Gudoomiyaha Golaha shacabka oo go’aan ka gaaray Xildhibaanada G. Gedo

Published: May 4, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa goor dhaweyd furay kal-fadhiga kowaad, kulankiisa siddedaad ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana kasoo qeyb galay 157 xildhibaan.

Guddoomiyaha ayaa shaaciyay in Maanta wixii ka dambeeya ay Go’aan ka gaari doonaan Xildhibaanada Khilaafka ka jiro ee lagu soo kala doortay Ceelwaaq iyo Garbaahaarey ee Gobolka Gedo.

Sheekh Aadan Madoobe oo ka hadlaayay furitaanka kulanka haatan u socda Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu sheegay in kooramka aysan ku jirin Xildhibaanada khilaafka ka jiro, isla markaana khilaafaas ay xal ka gaari doonaan.

“Xubnaha Ceelwaaq iyo Garbaharaay waxaan u sheegayaa in maanta wixii ka danbeeya go’aan aan ka gaari doono way fadhin karaan maanta laakiin tirada kuma jiraan ” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *