Gudoomiyaha Golaha shacabka oo la wareegay Amniga dooraashada dalka

Published: May 3, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shaaciyey in uu si rasmi ah ula wareegay maamulka amniga doorashada dalka, kadib shir uu maanta la yeeshay saraakiisha ugu sarreysa ciidamada qalabka sida.

Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga doorashada dalka.

Saraakiisha ciidanka ayaa looga  digay in aysan ku milmin siyaasadda, amniga doorashadana ay kaga amar qaataan Gudoomiyaha Golaha Shacaka inta lagu jiro marxaladda kala guurka illaa uu dalka ka yeelanayo madaxweyne.

Amarka kasoo baxay Aadan Madoobe ee uu kula wareegay amniga doorashada ayaa imanaya iyadoo la filayo inay bishan gudaheed ku dhacdo doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *