Gudoomiyaha Gudigga Caleema-saarka Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Xaaf.

Published: March 24, 2020

Yuusuf Garaad Cumar Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Soomaaliya Ahna Guddoomaha gudigga qaban-qaabada xaflada caleema-saarka Madaxweynaha Galmudug o Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa gaaray Magaalada Gaalkacayo. Yusuf Garaad ayaa la kulmay Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Geele Xaaf.

Yuusuf Garaad ayaa sheegay in madaxweyne Xaaf ay ka wada-hadleen Arimo badan oo ay ugu muhiimsanayd tan Galmudug, iyo mustaqbalka deeganadaan.

“Waxaan gurigiisa Gaalkacyo salaan ugu tegey Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf, Sheekooyin dhinacyo badan oo aan isla soo qaadnay ayaa isugu jiray dhacdooyin hore, kuwo hadda taagan, mustaqbalka Galmudug iyo guud ahaanba siyaasadda dalka” ayuu yiri Yuusuf Garaad oo qoraalkaan kooban bartiisa Facebook kusoo qoray.

Madaxweynaha Galmudug ayaa mudooyinkii danbe waday dadaalo uu dib isugu keenayo dhinacyadda ku kala aragti duwayd doorashadii Galmudug, Dhawaana waxaa magaalada Dhuusa-maree gaaray xildhibaano ka tirsan DFS oo ka biyo-diidsanaaa Hanaankii loo wajahay doorashadii Glamudug.

Horseed Media 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *