Golaha Shacabka oo maanta fadhigoodi u horeeyey yeelanaya kadib doorashadii

Published: April 30, 2022

Gudoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta lagu wadaa in uu xilka kala wareego Gudoomiyihii hore ee golahaasi, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

See the source image

Gudoomiyaha ayaa xilka kula wareegi doono kulan ay maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ku leeyihiin Xaruntooda Villa Hargeisa.

Qoraal lagu daabacay bogga Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in ajandaha kulanka uu isugu jiro:

“Hadal jeedinta Gudoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka, hadal jeedinta & xil wareejinta Gudoomiyihii Golaha Shacabka ee Baarlamaankii 10aad iyo hadal jeedinta Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad.”

Kulankan ayaa noqonaya kiisii ugu horeeyay ee Xildhibaanada Golaha Shacabku yeeshaan, iyagoo markaasi leh guddoon rasmi ah.

Guddoonka cusub ee Golaha Shacabka ayaa 27-28 bishan lagu doortay Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *