Gudoomiye Golaha shacabka oo la kulmay xubnaha C6+

Published: May 3, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay saaxiibbada beesha caalamka, gaar ahaan kuwooda lagu magacaabo C6+.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii doorashada lagu soo gabagabeyn lahaa si nabdoon oo waafaqsan hannaanka doorashada dadban.

Sidoo kale, waxa ay ka wada hadleen baahida loo qabo in la horumariyo qorshaha dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Xubnaha C6+ ayaa balan qaadey in ay Guddoomiyaha gacan ka siin doonaan dhameystirka doorashada dalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *