Gudoomiye Kuxigeen xilka iska casilay oo lagu xiray Magaalada Baydhabo

Published: November 11, 2022

Xasan Aadan Nuur (Ilkacase), Gudoomiye Kuxigeenkii hore Maamulka & Maaliyadda ee Gobolka Baay, kaas oo mar sii horreysay xilka iska casilay ayaa lagu xiray Magaalada Baydhabo.

Ciidanka Nabad Sugidda ayaa kala baxay hoygiisa oo ku yaala xaafadda ADC, iyagoona ku xiray Madaxtooyadii hore ee Baydhabo, oo hadda ah Xarunta Hay’adda Nabad Sugidda ee Koonfur Galbeed.

Maamulka Koonfur Galbeed iyo Saraakiisha laamaha amniga ayaan weli ka hadlin, waxa uu salka ku hayo xarigga masuulkaas hore.

Wararka qaar ayaa sheegay in sababta loo xiray Gudoomiye Ilkacase ay tahay inuu ka mid yahay Saraakiisha iyo Siyaasiyiinta reer Koonfur Galbeed ee ka biyo diidan muddo kororsiga Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Horseed Media