Gudoomiye Mursal oo loogu baaqay inuu xilka Madaxweynaha si kumeel gaar ah u qabto!

Published: February 8, 2021

Kulan xalay ku dhexmaray magaalada Muqdisho Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo qaar kamid ah Murashaxiinta Madaxweynaha & Xildhibaano ayaa looga hadlay habka loo wajahayo muddo xileedka Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ku ekayd xalay saqdii-dhexe.

Shirkan oo ahaa mid ay alabaabada u xiran yihiin ayaa la sheegay in arrintan ugu muhiimsan ee looga hadlay ay tahay sidii Baarlamaanka ulla wareegii lahaa hawshada dowlada inta ay ka dhaceyso doorashada.

Ma jirin war rasmi ah oo kasoo baxay shirkaasi iyo go’aanka uu qaadan doono Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo wajahaya xiisadan dastuuriga ah, xili uu wakhtigii la doortay uu ka dhamaaday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo waliba Madaxweynaha.

Baarlamaanka Federaalka ayaa isagu sheegay inuu xilka sii heyn doono illaa lasoo doorto Baarlamaanka cusub, wuxuuna qodobkan kamid ahaa qaraarkii ay ansixiyeen 26kii September iyagoo ku lifaaqay heshiiskii 17ka September ay wada gaareen Madaxda Dowlada Federaalka iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada.

Lifaaqaasi oo u qornaa sidatan:

Xilhaynta Hay’adaha Dastuuriga ah ee Dawladda

Si aysan u dhicin firaaq ku yimaado sharciyadda jiritaanka hay’adaha Dastuuriga ah ee Dawladda Federaalka; Baarlamaanka 10-aad oo awoodihiisa Dastuuriga ah u dhamaystirantahay ayaa xilkiisa sii haynaya illaa iyo maalinta la dhaariyo xildhibaanada loo soo doortay Baarlamaanka cusub ee 11-aad ee Soomaaliya, si waafaqsan Qodobka 60aad ee Dastuurka Faderaalka iyo wax-ka-beddelka lagu sameeyey Sharciga Lr. 20 ee 27.06.2016.

Hay’adaha kale ee Dastuuriga ah ee Dawladda Federaalka ayaa xilalkooda sii haynaya ilaa iyo inta laga dhiso hay’ad walba hay’addii beddeli lahayd.


Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *