Gudoomiyihii Guddiga Doorashada Somaliland oo is casilay

Published: June 1, 2022

Gudoomiyihii Guddiga Doorashooyinka Somaliland Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac) ayaa sheegay in uu iska casilay xilkaasi iyo xubinimadii Guddiga Doorashooyinka.

Gudoomiyaha ayaa is casilaadiisa u sababeeyay, ka dib khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Xubnaha Guddiga Doorashooyinka.

“Waxa sababay is casilaaddu waxay ahayd, sidii laga war hayay khilaaf guddiga dhexdiisa ka yimid oo muddo dheer soo jiitamayay.” Ayuu yiri Cabdirashiid Maxamuud Cali oo VOA la hadlay.

Cabdirashiid Riyo Raac ayaa meesha ka saaray inay jiraan culeysyo siyaasadeed oo kaga yimid dhinacyada siyaasadda ee Somaliland.

“Ma jirto wax culeys ah ama cid culeys nagu saartay, sidaad ogeydna waxay ahayd anigaa qoraal sameeyay oo dalbaday in howshan aanay sii socon kareynin, marka sidaas daraadeed baan isu casilay.” Ayuu yiri Cabdirashiid Riyo Raac.

Cabdirashiid Riyo Raac ayaa ka mid ahaa Xubnihii Guddiga Doorashooyinka ee uu soo xulay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Is casilaadda Riyo Raac ayaa ku soo aadaysa, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka Madaxtooyada iyo Xisbiyada Mucaaradka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *