Guterres: Marka saxafiyiinta la bartilmaameedsado, bulshada oo dhan ayaa dhibku soo gaari doonaa.

Published: November 2, 2020

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa fariin qoraal ah kaga hadlay soo afjaridda ciqaab la’aanta kuwa geysta dembiyada ka dhanka ah saxafiyiinta, adduunku, oo ay warbaahintu ka mid tahay,

Xoghayuhu wuxuu sheegay in cudurka safmareenka ee Covid-19 a si gaar ah u muujiyay arrimo cusub oo halis ku ah saxafiyiinta iyo shaqaalaha warbaahinta, xataa iyadoo ay korodhay tirada weerarrada lagu hayo badqabkooda jir ahaaneed.

“Waxaa dhacay ugu yaraan 21 weerar oo lagu qaaday saxafiyiin wararka ka soo tebinayay dibadbaxyo barkii hore ee sannadka 2020 – taasoo la eg tirada weerarradaasi oo kale ee dhacay sannadkii 2017 oo idil. Waxaa sidoo kale jiray xakamayn dheeraad ah oo lagu sameeyay shaqada saxafiyiinta, oo ay ka mid yihiin in lagu handado maxkamadayn, soo qabasho, xabsi, in loo diido inay gaaraan goobihii ay shaqada saxafinimo ka qaban lahaayeen iyo in baaritaan lagu sameyn waayo lana maxkamadayn waayo kuwa geysta dembiyada iyaga ka dhanka ah” ayuu yiri Xoghayuhu, wuxuuna sii raaciyay

“Marka saxafiyiinta la bartilmaameedsado, bulshada oo dhan ayaa dhibku soo gaari doonaa. Haddii aynaan saxafiyiinta ilaalin, waxaa carqalad ba’an ku iman doonta awoodda aan u leenahay inaan xog-ogaal ahaano iyo inaan qaadano go’aanno caddeymo ku saleysan, saxafinimo aan cabsi iyo eex lahayn”.

Xoghayuhu wuxuu sheegay in saaxafad xorta ahi ay kaalin laga maarmaan ah ka ciyaari karto nabada, cadaalada, horumar la joogtay karo iyo xuquuql insaanka

Ilaa 11 suxufi ayaa lagu dilay Somaliya iyagoo shaqadooda gudanaya intii u dhaxaysay Sanadaha 2017 ilaa 2020.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *