Hadal jeedinta Musharaxiinta Guddoonka labada Aqalka oo maanta bilaabanaysa

Published: April 23, 2022

Xildhibaanada labada Aqal Baarlamaanka 11aad ee Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulamo ku kala leh xarumahooda ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaas oo looga hadlayo dhammeystirka doorashooyinka dalka.

No photo description available.

Xildhibaanada labada Gole ayaa maanta dhageysanaya hadal jeedinta musharixiinta isku diiwaangeliyey guddoonka sare ee labadaasi Aqal.

Musharaxiinta isu diiwaangelisay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaraya ilaa sideed Musharrax, lana dhageysanayo hadal jeedintooda ayaa kala ah:

1-Cabdirashiid Maxamed Xidig
2-Cabdullaahi Aadan Axmed Black
3-Aadan Maxamed Nuur Saransoor
4-Xasan Cabdinuur
5-Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan
6-Saadiq Cabdullaahi Cabdi
7-Shariif Maxamed Cabdalla
8-Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

May be an image of 8 people

Dhammaan musharixiinta ayaa la siiyey fursad min 15 daqiiqo oo ay uga hadlayaan taariikh nololeedkooda iyo ballan qaadyadooda ku aadan, haddii la doorto.
Sidoo kale xilka Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa waxaa isku soo taagay illaa saddex musharrax oo kala ah:

1-Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi
2-Senator Saalax Axmed Jaamac
3-Senator Cismaan Obokor Dubbe.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *