Hadal jeedinta musharixiinta Guddoomiye ku xigeenada Golaha shacabka oo maanta dhaceysa.

Published: April 24, 2022

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa maanta dhageysana hadal jeedinta musharixiinta isu diiwaangelisay Guddoomiye ku xigeennada 1aad iyo 2aad ee Golayashaas.

Hadal jeedinta waxaa maanta ku qoran 10 musharax oo isu diiwaangelisay u tartamidda Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BFS iyo 7 musharax oo iyanna ku loolamaya xilka ku xigeenka 2aad.

Musharax weliba ayaa la siiyey waqti 10 Daqiiqo ah oo uu kusoo bandhigayo Sooyaalkiisa, Waxqabadkiisa iyo hiigsiga uu aaminsan yahay in uu codka uga heli karo Xildhibaanka codeynaya.

Golaha Shacabka ayaa guddoonkooda dooranaya 27ka April 2022 sida ku cad jadwalka uu soosaaray Guddiga u qaabilsan doorashada ee laga soo dhex xulay Xildhibaannada Baarlamaanka 11aad ee JFS.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *