Halkee ayuu marayaa Qaban qaabada Shirka Wadatashida Doorashooyinka

Published: May 20, 2021

Shirka Wadatashida arimaha doorashooyinka oo lagu waday in uu maanta ka furmo magaalada Muqdisho ayaa wararku ay sheegayaan in uu ku imaan karo dib u dhac sababo la xiriira wufuuddo oo qaarkood aan weli tagin Muqdisho.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo aan weli gaarin Muqdisho ayaa la filayaa in maanta ilaa bari ay gaaraan magaalada Muqdisho si ay uga qeybgalaan shirka oo ah mid la wada sugayo.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa Muqdisho gaaray Madaxweynaha Galmudug iyadoo horey uu ugu sugnaa magaalada Madaxweynaha Hirshabeelle halka goordhawayd uu gaaray Muqdisho Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo xalay soo saaray Qoraal kooban ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey natiijada shirka loo balansan yahay inuu Muqdisho ka furmo.

”Waxaan u diyaar garownay shirka golaha wadatashiga Qaran ee dhameystirka arrimaha doorashooyinka,Waxaan filayaa in si habsami leh uu noogu furmo, guulna noogu dhamaado, si dalku u aado doorasho daah furan oo heshiis lagu yahay, Waxaa iga go’an fududeynta wax kasta oo horseedi kara in shirkani uu guuleysto.

ayuu yiri rooble

Shirkan oo ah kii ugu horeeyay ee uu gudoomiyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen ayaa lawada sugayaa waxyaabaha kasoo baxa xili shacabka Soomaaliyeed iyo Daneeyaasha Soomaaliya ay il gaar ah ku hayaan natiijada Shirka maadama uu noqonayo kii ugu dambeeyay ee is afgarad loogu raadiyo Doorashada dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *