Published: June 30, 2022
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/06/66C3B087-4D85-4646-81E7-8012D3EBA2FF.jpeg)
Xafiiska Hanti-dhawrka guud ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa saaka looga yeeray xarunta Baarlamanka si loola xisaabtamo.
Xafiiska ayaa warbixin ku saabsan shaqadiisa u jeedin doona xildhibaannada Baarlamanka Puntland.
Xildhibaannada ayaa sidoo kale xafiiska Hanti-dhawrka su’aalo ka weydiin doona shaqada uu u hayo shacabka Puntland.
Xildhibaannada Baarlamanka ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa maalmahan dambe ku mashquulsan la-xisaabtanka xukuumadda.