Hanti-dhowrka Qaranka oo sheegay inay 96 milyan oo dollar ay ka maqan qasnadda dowladda

Published: November 22, 2022

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa soo bandhigay Warbixinnada Baarista Sannadlaha ee 2021.

Warbixinnada ayaa lagu xusay xog muhiim ah oo ku aaddan khaladaad la xiriira sida Hay’adaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ay u maareeyeen heshiisyada, iibka, deeqaha dibadda iyo daymaha qaranka.

Hanti dhowraha Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in 5M oo dollar lagu shubtay Akoon ka baxsan khasnada Dowladda.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in 105 heshiis oo ku kacaya $14M aan laga diwaan galin XHG iyo Deeqo dhan $13M ayaan miisaniyada Qaranka lagu darin ee uu Barlamaanku ansixiyay.

Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali oo shirka jaraa’id ee warbixinta ka hadlayey ayaa sheegay inay 96 milyan oo dollar ay ka maqan qasnadda dowladda.

Horseed Media