Hargeysa: Nin hubeysan oo rasaas ku furay dad shacab ah

Published: August 13, 2022

Nin aan haybtiisa la aqoonsan oo afka soo duubtay, ayaa 2 qof ku dhaawacay degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargaysa, kadib markii uu rasaas ku furay.

Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah ninka hubeysnaa ayaa markii hore rasaas ku furay wiil yar oo 15 jir ah, sidoo kalena inyar kadib waxaa uu uu sii xabadeeyey nin oday ah oo ilaalo ka ah guri goobta ku yaalay .

Labada qof ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo, waxaana la soo wariyey inuu aad u daran yahay mid kamid ah oo la dhigay isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Dhacdadaan ayaa ku soo aadeyso, xilli Somaliland ay ka taagan tahay xaalad kacsanaan ah oo ka dhalatay muranka siyaasadeed ee hareeyey doorashada maamulkaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *