Barlamaanka maamul goboleedka Galmudug ayaa haweenay u doortay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Barlamaanka. Haweenaydan oo lagu…
Barlamaanka maamul goboleedka Galmudug ayaa haweenay u doortay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Barlamaanka.
Haweenaydan oo lagu magacaabay Faaduma Cabdi Cali {Faandhe} ayaa 47 cod kaga guuleysatay doorashada Maxamed Sheekh Axmed Maali oo kursigaas kula tartamay oo helay 41 Cod.
Faadumo ayaa c noqonaysaa haweenaydii u horraysay ee loo doorto Guddoomiye ku-xigeenka barlamaanada maamul goboleedyada iyo federaalka ee Dalka
Dhinaca kale, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee barlamaanka Galmudug ayaa waxaa ku guulaystay Cabdullaahi Xirsi Maxamed.
HORSEEDMEDIA
Fadlan iska saxa magaalka. Baarlammanka Hirshabeelle waxaa Guddoomiye ku xigeen ka ah gabar la yiraahdo Canab. Tan Galmudug uguma horreyso gabar guddoomiye ku xigeen noqotay.