Hawlgalka Atlanta ee la dagaalanka burcad-badeeda oo ka digey khatarta lacagaha madax furashada

Published: April 17, 2024
Shares4

Howlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida ee loo yaqaano Operation Atalanta ayaa mar kale ku celiyay digniintooda ku aadan in lacagaha madaxfurashada ah ay sii xumeyn karaan arrimaha burcad-badeedda ee Geeska Afrika iyo badweynta Hindiya.

Digniintan ayaa ku soo beegantay xilli la sii daayay markabka MV Abdullah oo sitay calanka Bangladesh , kaasoo la afduubay 12-kii bishii March, lana sii daayay 14-kii bishan April, kaddib markii burcadbadeedda laga siiyay madaxfurasho lacageed oo dhan 5-milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Tan iyo bishii Nofembar 2023, xeebaha Soomaaliya waxaa ka dhacay falal aad u badan oo burcad-badeednimo ah, taasoo keentay cabsi laga qabo inay dib u soo laabtaan burcad-badeedda saldhigeedu yahay Soomaaliya. Qiyaastii18 doomood oo kaluumeysi iyo xamuul ah ayaa la afduubay kuwaas oo la rabo in loo isticmaalo soo qabashada Maraakiibta waaweyn, iyadoo qaarkood horay loo sii daayay halka lix ilaa 7 ay weli gacanta ku hayaan. Hawlgalka Atalanta waxa kale oo ay tilmaameen in burcadbadeedu si weyn ugu urursanayaan xeeebaha gobolada Nugaal iyo Mudug.

Weeraradii ugu danbeeyey laba kamid ah ayey Burcadbadeedu ku guuleysteen, halka mid kamid ah ay ka heleen madaxfurasho dhiirigelineysa shaqadooda.

Hawlgalka Atalanta ayaa ka digaya in bixinta madaxfurasho ee dhowaan ay dhalin karto mowjado cusub oo afduubyo doon ah, taasoo horseedaysa weeraro mustaqbalka ah oo lagu qaado maraakiibta ganacsiga.

HORSEED MEDIA