Hay’adda Duulista Rayidka oo amar dul dhigtay Shirkadaha ka hawgal garoonka Aadan Cadde

Published: November 30, 2023

Bayaan ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) ayaa shirkadaha ka shaqeeyo la dul dhigay amar ku saabsan xilliga Rakaabka diyaaradaha lagu soo xareenaya Garoonka Aadan Cadde oo ay Hay’addu sheegtay in maalmihii la soo dhaafay ay dacwo ka timid.

Warka ka soo baxay Hay’adda ayaa lagu yiri, “Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) waxaa beryahan kusoo laalaabtay cabashooyin la xiriira rakaab ku daahay terminalka kaasoo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay Hay’addu soo faragelisay ugu dambayna loo qaaday maagalooyinkii ay u kala safrayeen.”

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) ayaa soo saartay qodobada hoos ku xusan:-

  1. In aan rakaab lasoo xareey Karin waqti kabadan 3 saac kahor xiliga ay dayuudadoodu kici lahayd, sida ku cad warqadaga diyaarada lagu raaco(Boarding Pass).
  2. In laga bilaabi 01/12/2023 aanay rakaab soo xareey Karin shirkad aan haysan diyaaradi ay rakaabka ugu adeegi lahayd. Sidaas si lamid ahna aanan counter loo furi Karin shirkad aan haysan diyaarad ay ku qaado rakaab taaso ay u dhanyihiin dhamaan shuruucdii looga baahnaa badqabkeeda iyo duulimaadkeeda.
  3. Shikadii jebisa qodobada kor ku xusan waxaa lala tigsan doonaa sharciga waxayna wajahi doontaa ciqaab waafaqsan sharciga Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaliyeed (HDRS) waxay shirkadaha diyaaradaha la garab taagantahay wixii tasiilaad ah ee u fududaynaya iany shaqadooda u gutaan si waafaqsan sharciga. Sido kale HDRS waxey mar walba u taagan tahay ilaalinta xuquuqda muwaadinka musaafirka ah,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Hay’adda.