Hay’adda IMF oo warbixin ka soo saartay shirka hanaanka deynta cafinta & Maaliyadda Soomaaliya

Published: October 18, 2022
Shares34

Hay’adda Lacagta Adduunka IMF ayaa warbixin ka soo saartay waxyaabahii ka soo baxday shirka hannaanka dib-u-eegista 4-aad (Article-IV) ee Barnaamijka Deyn-Cafinta (ECF) oo ka kala dhacay magaalooyinka Nairobi iyo Washington DC.

Shirarka ayaa lagu gorfeeyay arrimaha Maaliyadda Soomaaliya, hannaanka  Maaliyadda, barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya iyo taageerada farsamo iyo Maaliyadeed ee Dowladda Soomaaliya ay siiyaan saaxiibada Caalamiga ah iyo Hey’addaha Dhaqaalaha Adduunka .

Warbixinta Hay’adda IMF ayaa muujinaysa dadaalka Dowladda Soomaaliya ee dib-u-habeynta Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha, iyadoo lagu jiro xili adag oo uu dalku ku jiro soo kabashada Abaaraha iyo Cunno yarida.

Hey’adda IMF oo warbixin ka soo saartay shirarkii u dambeeyay ee ay la galeen masuuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan hogaanka Wasaaradda Maaliyadda ayay ku bogaadisay dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda dalka, xoojinta Maamul Guud ee Maaliyadda dalka, kor qaadista dakhliga gudaha dalka iyo ka dhamaystirka Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya.

Hey’adda IMF waxa ay sheegtay inkasta oo Soomaaliya ay samayn ku yesheen dagaallada dalka Ukraine, Abaaraha soo noqday iyo sicir-bararka ka jira gudaha dalka oo Soomaaliya ay kala mid tahay dunida kale ee dhaqaalaha hoos u socdo, hadda waxa ay sheegtay in Dowladdu xoogga sarayso in ay kordhiso dakhliga iyo Miisaaniyadda Dowladda iyadoo sidoo kale gacan ka helaysa kabka Miisaaniyadda ee Saaxiibadda Soomaaliya.

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa ogolaatay in Soomaaliya lasiiyo $10 Milyan oo dollar si uga soo kabato dhibaatooyinka kasoo gaaray Abaaraha, dagaalka Ukraine iyo xaaladaha kale.

Madaxa IMF ayaa sheegtay in dedaalka Soomaaliya uu muujinayo in 2023ka ay heli karto fursad looga dhaafayo lacag kamid ah tan lagu leeyahay, iyada oo ay jiraan xaaladaha walaaca sababay ee amniga, abaarta & dagaalka Ukraine uu ku qaaday Ruushka 24kii Febaraayo 2022.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay warbixin ay Hey’adda IMF ka soo saartay natiijada ka soo baxday Shirarkii isdabajooga ahaa ay la yesheen Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Horseed Media