Hay’adda UNICEF oo sheegtay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay musiibo aan la arag

Published: October 19, 2022

Afhayeen u hadlay hay’adda UNICEF oo lagu magacaabo James Elder oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Geneva ayaa sheegay in xaaladda Soomaaliya ay haatan u muuqato mid kasii liidata sidii ay ahayd sanadkii 2011-kii, markaas oo ay macluul u dhinteen inka badan 250,000 oo qof.

Afhayeenka ayaa sheegay in hal qof oo ilmo yar ah daqiiqad kasta la seexiyo isbitaallada daawaynta nafaqo-darrada Soomaaliya.

James Elder ayaa tilmaamay in abaarta ba’an ee Soomaaliya ka jirta ay khatar ku tahay inay sababto dhimashada carruurta heerka dhimashadooda aan la arkin nus qarni.

Afhayeenka UNICEF ayaa sheegay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay musiibo aan la arag.

Horseed Media