Hay’adda WHO oo sheegtay inay gargaar caafimaad u dirayaan Soomaaliya

Published: October 30, 2022
Shares4

Madaxa hay’adda Qaramada Miodobay u qaabilsan caafimaadka (WHO), Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa sheegay iney Soomaaliya gargaar caafimaad u dirayaan.

Madaxa ayaa tacsi u diray dowladda, iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoysaska uu sida gaarka ah u saameeyey qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoyska Soobbe.

Sidoo kale Tedros Adhanom wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka kaalmeynayaan sidii loo daweyn lahaa dhaawacyada faraha badan, iyo hannaanka tiiraanyo bixinta dadkii ay dhibaatada xun soo gaartay.

Magaalada Muqdisho, ayaa shalay waxaa ka dhacay qaraxyo is xig xigay, kuwaasoo ay ku dhinteen ku dhawaad boqol qof, halka saddex boqolna ay ku dhaawacmeen.

Horseed Media