Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee Beledweyne oo sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen Walxaha Qarxa

Published: February 28, 2018

Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ay gacanta ku soo dhigeen hub iyo qalab loo adeegsado qaraxyada, kadib markii ay howl gallo ka sameeyeen magaalada Baledweyne.

Sidoo kale Ciidamada ayaa la sheegayaa in ay soo qabteen koox hubeysan oo ku sugnaa guri ku yaala xaafada Oktoober ee Magaalada Baledweyne.

Kooxda la soo qabtay ayaa tiro ahaan lagu sheegay 13 qof , iyadoo agabka loo adeegso walxaha qarxa laga soo qabtay guri ku yaalay xaafadda Buundo-Weyn ee Magaalada Beledweyne sidaa waxaa warbaahinta u sheegay Abaanduulaha Ciidanka Xoogga qeyba gobolka Hiiraan Isaaq Idirs Cismaan .

Ciidaamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howl galo ballaaran ka wada qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ay gacanta ku soo dhieen hub iyo qalab loo adeegsado qaraxyada kadib markii ay howl gallo ka sameeyeen magaalada Baledweyne..

Sidoo kale Ciidamada ayaa la sheegayaa in ay soo qabteen koox hubeysan oo ku sugnaa guri ku yaala xaafada Oktoober ee Magaalada Baledweyne.

Kooxda la soo qabtay ayaa tiro ahaan lagu sheegay 13 qof , iyadoo agabka loo adeegso walxaha qarxa laga soo qabtay guri ku yaalay xaafadda Buundo-Weyn ee Magaalada Beledweyne.

Ciidaamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howl galo ballaaran ka wada qeybo ka mid ah gobolka hiiraan

Saakay Ciidmada Dowladda ayaa gebi ahaan gacanta ku dhigay Deegaanka lagu magacaabo Moqokori dagaal dhexmaray iyaga iyo kooxda Shabaab, maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa goobtaasi isaga baxay inkastoo markii dambe Ciidanka Dowladda ay dib uga soo baxeen deegaanka.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *