Hiiraan: Shacabka oo weli diidan imaanshaha Madaxweynaha Hirshabelle

Published: December 5, 2020
Jeneraal Abuukar Xuud hogaamiyaha Maleeshiyada Beledweyne oo aqbalay waan waanta ay odayaasha wadaan

Kulan ay yeesheen odayaasha beelaha gobalka Hiiraan iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlada Federaalka ayaa laga soo saaray qodobo uu kamid yahay in magaalada Beledweyne uusan xiligan imaan Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe oo markii sadexaad laga horjoogsaday inuu tago xarunta gobalka Hiiraan.

Jimcihii shalay ayey magaalada Beledweyne ka dhaceen banaanbaxyo rabshado watay, kadib markii uu iska horimaad kooban uu dhexmaray ciidamada dowlada iyo maleeshiyaadka jabhada ay sameysteen beelaha Hiiraan oo kasoo horjeeda maamulka Hirshabelle.

Maleeshiyaadka hubeysan oo todobaadyadii lasoo dhaafay isku aruursanayey deegaanka Ceel-Gaal ee Waqooyi-bari uga beegan Beledweyne ayaa shalay si lama filaan ah kusoo galay gudaha magaalada iyagoo fariisimo ka sameystay qaar kamid ah xaafadaha Beledweyne oo ay hada ku sugan yihiin.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlada Federaalka Mukhtaar Xuseen Afrax oo dhawaan gaaray magaalada Beledweyne ayaa kulankii uu la yeeshay Odayaasha magaalada la isku afgartay 4 qodob oo ah:

1: In Wasiirka Arrimaha gudaha uu Odayaasha u ballan qaaday in Madaxweynaha Hirshabeelle uusan imaan doonin Beledweyne illaa xal laga gaarayo khilaafka iyo tabashada ay qabaan Shacabka Hiiraan.

2: In Ciidamada Dowladda aysan awood ciidan u adeegsan doonin dadka diidan dhismaha maamulka cusub ee Hirshabeelle kuwaas oo maalamahaan banaanbaxyo ka waday Magaalada Beledweyne.

3: Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa Odayaasha dhaqanka ka dalbaday inay xiisada dejiyaan sidoo kalena ka qeyb qaataan sidii loo furi lahaa waddooyinka ay xireen dadka banaanbaxa ka dhigayay magaalada.

4: In Odayaasha dhaqanka ay Wasiirka u keenaan Qoraal ay ku qeexayaan tabashadda ay ka qabaan maamulka Hirshabeelle si uu ugu gudbiyo madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *