Hirshabeele oo sheegtay in lagu baxay joojinta dagaal beeleed ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Published: November 14, 2022

Baaqyada nabadeed ee loo dirayo beelahii dhawaan ku dagaalamay tuulooyin hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa isa soo taraya.

Kuwii ugu dambeeyay ee Baaqyadaasi waxay ka yimaadeen ururrada bulshada rayidka oo ka codsaday dawladda federaalka, Dowlad goboleedka Hirshabeele iyo odayaasha dhaqankaba in loo istaago daminta colaadda ka aloosan degmada Cadale.

Wasiirka Arimaha Dibu heshiisiinta Hirshabeele Cabdillaahi Cadde ayaa sheegay in hadda lagu baxay joojinta dagaalada ku soo laablaabtay nawaaxiga degmada Cadale.

Ku dhawaad sodon qof ayaa ku dhintay dagaal beeleedyada dib uga soo cusboonaaday gobolka Shabeelada Dhexe todobaadkan.

Horseed Media