Hirshabelle: Wasiir Isu Casilay In Laga Hor Istaagay Inuu Taageero DFS

Published: June 12, 2020

Wasiir ku-xigeenka maamulka Hirshabelle, islamarkaana ah xildhibaan ka tirsan barlamaanka Geelle isaaq Warsame ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii uu hayay.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Beledweyne wuxuu ku sheegay sababta keentay iscasilaadiisa in madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare uu hor istaagay shacabka inay sameeyaan banaanbaxyo ay ku taageerayaan Dowlada iyo madaxda Federaalka

Wuxuu ku baaqay in madaxda dowladda federaalka ay ka soo jawaabaan cadaadiska iyo is hortaaga ay maamulka iyo Booliiska gobolka Hiiraan ku hayaan shacabka doonaya inay muujiyaan taageerada ay u hayaan madaxda federaalka.

Maamulka Hirshabelle ayaa dhawaan soo saaray amaro lagu joojinayo banaanbaxyo lagu taageerayo dowladda dhexe ee uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Maamulka Hirshabelle ayaa taageertay baaqii guddoomiyaha aqalka sare ee ahaa in madaxda federaalka iyo maamul goboleedyadu ay ka wada hadlaan doorashada federaalka ee 2021ka

HORSEEMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *