Hogaamiyayaasha Sirdoonka Mareykanka, Israel, Masar oo Qatar u jooga waan waan horleh

Published: January 26, 2024

Madaxda Sirdoonka Mareykanka iyo Israel ayaa ku sugan magaalada Doxa ee dalka Qatar, xili uu socdo dadaal la doonayo in markale lagu dhawaaqo xabad-joojin kooban oo ka dhacda Gaza.

Qorshahan oo ay hormuud u yihiin dalalka Masar iyo Qatar ayaa la doonayaa in lagu dhex dhexaadiyo Israel iyo Xamaas inay aqbalaan xabad-joojintan.

Balse weli waxaan lagu heshiin qodobada ay labada dhinac soo gudbiyeen, iyadoo Xamaas ay diiday qorshe Israel dooneysay in Gaza ay isaga baxaan dhamaan hogaamiyayaasha sare ee ururkaasi Xamaas.

Xamaas ayaa dhankeeda dooneysa xabad-joojin waarta iyo joojinta dagaalka, sidoo kale in lasoo daayo maxaabiista reer Falastiin ee u xiran Israel. Waxayna sheegeen in dhankooda ay siideyn doonaan maxaabiista ay ka hayaan Israel.

Socdaalka madaxda sirdoonka ee Mareykanka, Israel iyo Masar ay ku joogaan Qatar ayaa la saadaalinayaa in waan waanta ay mareyso heer gebo gebo ah, walow aysan jirin weli war rasmi ah oo kasoo baxay dhinacyadaasi.

Horseed Media