Hogaamiyihii mucaaradka Ruushka Alexey Navalny oo ku dhintay xabsiga

Published: February 16, 2024

Hogaamiyihii mucaaradka Ruushka Alexey Navalny ayaa geeriyooday, sida ay ku warantay warbaahinta dowladda, iyadoo soo xiganeysa waaxda xabsiyada, hogaamiyahaasi oo horey loogu xukumay 19 sano oo xarig ah, isagoo lagu eedeeyay xagjirnimo.

Afhayeenkiisa, Kira Yarmysh ayaa sheegtay in qareenkiisu uu u safrayay xabsiga ku yaal gobalka fog ee waqooyiga Ruushka.

War qoraal ah oo Jimcihii laga soo xigtay warbaahinta dawladda, maamulka xabsiga federaalku wuxuu sheegay in Navalny uu “xanuunsaday” kadib uu miyir beelay kahor intuusan dhiman.

Navalny, oo aad u dhaleeceeya Putin, ayaa xabsiga ku jiray tan iyo Janaayo 2021 markii uu ku laabtay Moscow, isagoo kasoo laabtay dalka Jarmalka oo looga daaweeyey sumeyn la sheegay inay ka danbeysa sirdoonka Ruushka.

Ka hor inta aan la xirin Navalny, wuxuu hogaaminayay olole ka dhan ah musuqmaasuqa Putin, wuxuuna abaabulay mudaaharaadyo waaweyn oo looga soo horjeedo dowlada Ruushka.

Dhimashadiisa ayaa kusoo beegmatay bil kahor doorashada Ruushka ee soo socota, doorashadaasi oo siin doonta Putin lix sano oo kale inuu xukunka sii hayo. Madaxweynaha Ruushka oo gacan adag ku haya dalkaasi, ayaa dagaal xoogleh ku qaaday dhammaan mucaaradka gudaha.

Horseed Media