Howlgal ka dhan ah hubka sharcidarada oo ka socda Caabudwaaq

Published: April 17, 2022

Ciidamada Amaanka ee ka hawlgallo degmada Caabudwaaq ayaa howlgallo amniga lagu sugayo maanta ka bilaabay degmadaas.

Howlgalkan oo ah mid qorsheysan ayaa looga gol leeyahay sidii loola dagaalami lahaa dadka hubka sharcidarada ah ku dhex sita gudaha degmada, loona xaqiijin lahaa ammaanka guud ee degmada Caabud-waaq ee gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha degmada Caabud-waaq Faarax Cabdulle oo ay weheliyaan xildhibaano iyo saraakiil ciidan ayaa horkacayay howlgalkan, waxayna ciidanka baro-kontarol oo lagu hubiyo gaadiidka ka sameysteen waddooyinka laga soo galo magaalada.

Qalbi Axmed Cali oo ah taliyaha qeybta Booliska gobolka Galgaduud ayaa digniin adag u diray dadka hubka aan ahayn kan laamaha amniga ku dhex wata degmada in ay ka waantoobaan, islamarkaana la shaqeeyaan hay’adaha amniga.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *