Ilhan Omar oo Sheegtay inay isguursadeen La Taliyaheedii Tim Mynett

Published: March 12, 2020

Xildhibaan Ilhan Cumar oo ka tirsan Congress Maraykanka ayaa barteeda Instagram-ka  ku shaacisay inay isguursadeen La taliyaheedii dhinaca Siyaasadda Tim Mynett

Ilhan Omar oo laga soo doorto gobolka Minisoto ayaa bishii October ka dalbatay furiin ninkeedii hore Axmed Xirsi, oo ay kala tageen bishii November.Ilhan cumar iyo Axmed Xirsi waxa ay isku dhaleen Saddex carruur ah

https://www.instagram.com/p/B9nW-g3jhsA/?utm_source=ig_web_copy_link

“Waan guursaday, lamaane ayaanu ku ahayn siyaasadda, haddana waxaana ku nahay noolasha, , Alxamdulilaah”, sidaas waxaa barteed nstagram-ka ku qortay Ilhan Omar

https://www.instagram.com/p/B6y5jneJzqg/?utm_source=ig_web_copy_link
Axmed Xirsi ayaa guursaday 37 maalmood ka dib markii ay kala tageen Ilhan cumar

Seyga Cusub ee Ilhan Omar Tim Mynett oo haanta u qaabilsan ololaheeda dib u doorashada kursiga Congresska ayaa waxay kala tageen xaaskiisii hore Beth Mynett oo 55 sano jir ah taasi oo hore u dalbatay furriin. Xiriirkii Ilhan iyo Lamaanaheeda cusub ayaa soo shaacbaxay Sanadkii hore.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *