Imaam Masjid oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Published: February 13, 2023

Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir waxaa aroornimadii hore ee maanta lagu diley Imaamka Masjid ku yaalla degmadaasi.

Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa toogasho ku diley Imaamka Masjidka Maqaamul Ibraahim AHUN Sheekh Mukhtaar Cabdi Xaamud.

Raggan ayaa la sheegay inay y ka baxsadeen goobta, ka hor intii aysan gaarin ciidamada amniga.

Maamulka Degmada Wadajir iyo Saraakiisha amniga ayaan weli ka hadlin dilka Sheekh Mukhtaar Cabdi loogu gaystay degmadaasi.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkan, waxaase uu imaanaya, xilli maalmihii ugu dambeysay ay falalka dilka ku soo badanayeen Caasimadda Muqdisho.

Horseed Media