Imran Khan oo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan ku eedeeyay inuu ku lug lahaa shirqool lagu dili lahaa

Published: November 5, 2022

Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan oo ​​markii ugu horeysay ka hadlay weerarkii lagu dhaawacay ayaa Ra’iisul Wasaaraha xilka haya Shehbaz Sharif ku eedeeyay inuu ku lug lahaa shirqool la doonayay in lagu dilo.

Wasiirka arrimaha gudaha Rana Sanaullah iyo madaxa sirdoonka dalkaasi Faisal Named Naseera ayuu sidoo kale Imran Khan sheegay inay maleegeen shirqool isaga lagu dilayo.

Mr Khan wuxuu sheegay inuusan ka badbaadeen toogashada haddii labada qof ee weerarka fuliyay ay si darandoori ah u ridi lahaayeen rasaasta.

Dowladda Pakistan ayaa iska fogeysay inay ku lug laheyd isku dayga dil ee Khan, waxayna ku eedaysay inuu ka dambeeyay weerarkan kaliya qof ku dhashay xagjirnimado diimeed.