In ka badan 100 qof oo ku dhintay Dhulgariir ka dhacay waqooyi-galbeed, CHINA

Published: December 19, 2023
Shares16

Ku dhawaad 100 qof ayaa ku dhintay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen gobolka Gansu kadib markii uu halkaasi ku dhuftay dhulgariir xoog leh, sida ay sheegtay xarunta gargaarka dhulgariirka ee dalkaasi.

Dhulgariirka ayaa geystay khasaare laxaad leh oo ay ku jiraan guryo dumay, dadka ayaa ka qaxay guryahdooda iyagoo ka cabsi qaba in ay guryahooda soo dumaan.

Shaqada samatabbixinta ayaa socota maanta oo Talaadada ah, iyadoo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping uu ku baaqay “dadaal dhan walba ah” iyo gargaar deg deg ah in lala gaaro dadka ka badbaaday dhulgariirkan.

Dhulgariirka oo cabirkiisa lagu qiyaasay 5.9 ayaa ku dhuftay deegaanka Gansu oo ku dhow xadka gobalka Qinghai.

Horseed Media