In ka badan 120 meyd oo laga soo saaray guryaha xerada Jabaliya ee Gaza

Published: June 2, 2024

Kooxaha gurmadka degdega ah, ayaa in ka badan 120 mayd kasoo saaray dhismayaal dumay, 2 maalin kadib markii ay halkaasi dib uga gurteen ciidamada Israel.

Ilo-wareedyo dhanka caafimaadka ah oo ku sugan Isbitaalka Kamaal Adwan ayaa sheegay in kooxaha gurmadka deg dega ah iyo kooxaha difaaca rayidka ay kasoo saareen in ka badan 120 meyd dhismayaal ku dumay dagaalka xerada Jabaliya ee waqooyiga Gaza, oo ay dagaalo xoogan ku dhexmareen xoogaga Falastiiniyiinta iyo Ciidamada Israa’iil oo halkaasi isaga baxay markii 2aad.

Jimcihii, militariga Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in ay soo afjareen duullaankii ay ku qaadeen degaanka Jabaliya 20 maalmood ka dib.

Ciidamada Israel ayaa weerar labaad ku qaaday Jabaliya kadib markii ay halkaasi ku xoogeysteen dagaalyahanada Falastiiniyiinta oo khasaare xoogan u geystay militariga Israel oo markale dib uga baxay deegaankaasi.

Israa’iiliyiinta ayaa duqeyn xoogan la beegsaday xerada ugu weyn ee Gaza iyagoo dhinaca kale aan sheegin inay wax guulo ah oo la taaban karo ka gareen duulaankii dhulka oo ay ku galeen deegaankaasi.

Horseed Media