In ka badan 50 Al-Shabaab ah oo lagu diley duqeyn ka dhacdey Galmudug

Published: April 8, 2024
buula fulaay

Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa sheegatay in duqeyn lagu diley in ka badan 50 maleeshiyaadka al-Shabaab ah meel ku dhaw magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Warbaahinta dawladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgalkan ay iska kaashadeen ciidamada dawladda iyo saaxiibada caalamka.

Ma jirto ilo madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Dowladda Soomaaliya.

Sheegashadan ayaa imaneysa ku dhowaad laba toddobad kadib markii dowladda Soomaaliya ay sheegatay 27-kii March 2023, in ka badan 80 ka titrsan maleeshiyaadka al-Shabaab in lagu dilay hawlgallo ka kala dhacay gobollada Mudug, Shabeellada Dhexe iyo Bakool

HM