In kabadan 100 qof oo ku dhintay isbuurasho ka dhacday caasimadda dalka Kuuriyada Koonfureed ee Seoul

Published: October 30, 2022
Shares62

In kabadan 100 qof ayaa ku dhintay isbuurasho ka dhacday xaflad ku saabsaneed caado dhaqameed laguna dhigayay goob caan ah oo ku taalla caasimadda dalka Kuuriyada Koonfureed, sida ay sheegeen saraakiisha.

Wakaalada wararka ee Yonhap oo soo xiganeysa kooxaha gurmadka deg dega ah ayaa sheegtay in 150 ku dhaawacay degmada Itaewon ee magaalada Seoul.

Ilaa hadda ma cadda waxa sababay shilkan balse Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk-yeol ayaa ku baaqay shir degdeg ah.

Farriimo baraha bulshada la soo dhigay ayaa muujinaya dadka qaar oo hadal haya in ciriiri badan ka jiray aagga shilku ka dhacay.

Horseed Media