Inqilaab Millateri oo ka dhacay dalka Burkina Faso

Published: October 1, 2022

Sarkaal ka tirsan militeriga Burkina Faso ayaa teleefishinka dowladda kaga dhawaaqay in xilka laga tuuray hoggaamiyihii militeriga ee dalkaas Lt Col Paul-Henri Damiba.

sarkaalkan oo lagu magacaabo Ibrahim Traore ayaa sheegay in hoggaamiyaha militeriga uu ku guuldareystay inuu wax ka qabto dhibaatooyinka ay geysanayaan kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka howlgala dalkaasi sidaas darteedna ay xilka ka tuureen.

War qoraal ah oo laga akhriyey telefiishanka ayaa lagu sheegay in Capt. Ibrahim Traore uu yahay hoggaamiyaha cusub ee ciidanka milateriga ee dalka Burkina Faso.

Hoggaamiyayaasha cusub ee milateriga ee Burkina Faso ayaa sheegay in la xiray dhammaan xuduudaha dalka, isla markaana dalka lagu soo rogay bandow ka bilaabmaya 9-ka fiidnimo illaa 5-ta subaxnimo. Waxay ku dhawaaqeen in la kala diray dawladdii ku meel gaadhka ahayd iyo golihii qaranka.

Madaxweyne Damiba iyo xulafadiisa ayaa hore u inqilaabay madaxweyne si dimoqraadi ah loo soo doortay, isagoo la yimi ballan-qaadyo ah, inuu dalka ka dhigi doono mid ammaan ah.

Ururka goboleedka galbeed Afrika ee ECOWAS ayaa dhaleeceeyay tallaabadan, waxayna sheegeen inay kasoo horjeedaan tallaabo kasta oo si sharci darro ah awoodda loogu la wareegay.

Horseed Media