Inta badan dalalka Muslimiinta ah ayaa maanta bilaabey Soonka bisha amadaan

Published: March 11, 2024

Wadamada Muslimka ah intooda badan ayaa ku dhawaaqay in ay bilatay bisha Ramadaan iyada oo caalamka uu hareeyey dagaalka Gaza.

Mas’uuliyiinta Boqortooyada Sacuudiga ayaa arkay bisha, waxaana ay ku dhawaaqeen in la soomayo bisha barakeysan ee Ramadaan.

Saraakiisha Sucuudiga ayaa arkay bisha ramadaan habeenimadii Axada, taasoo ka dhigaysa maalinta Isniinta ah maalinta koowaad ee bisha Soon , sida uu sheegay telefishinka dowladda Sacuudiga.

In badan oo dalalka Khaliijka Carabta iyo sidoo kale Ciraaq Suuriya iyo Masar ayaa ku dhawaaqey in ay Soomayaan isniinta.

Qaar ka mid ah wadamada Asia-Pacific, sida Australia, Brunei, Indonesia, Malaysia iyo Singapore, ayaa sheegay inay bilaabanayaan Ramadaanka maalinta Talaadada ka dib markii ay ku guuldareysteen inay arkaan bisha.

Dalka Iran, oo isu aragta inuu yahay hogaamiyaha adduunka ee Muslimiinta Shiicada ah waxay caadiyan bilaabaan Ramadaan maalin kadib markay Sunnigu bilaabmaan. Xafiiska hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa ku dhawaaqay in bisha Ramadaan ay ka bilaaban doonto maalinta talaadada ah halkaasi, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee IRNA.

Dalka Soomaaliya ayaa intiisa badan laga soomayaa marka laga reebo meelo kamid ah Puntland, Somaliland iyo Galmudug.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u direy Ummada Muslimiinta taas oo ku aadan bilashada bisha ramadaan.

Soomaaliya waxaa laga arkey degmada Awdheegle iyo Buuhoodle sidoo ale waxaa laga arkey Mandheera.

Horseed Media