IRAN: Guddiga ka socda UN-ka oo kormeeray xarumaha Nukliyeerka

Published: September 5, 2020

Dowlada Iran ayaa u ogolaatay kormeerayaasha ka socda Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Nukliyeerka IAEA inay kormeeraan labo xarumood ee keydka nukliyeerka.

Warbixin ay soo saartay hay’ada IAEA jimcihii shalay ayaa lagu xusay in Iran ay sare u qaaday tirada Kobcinta Yuraniyumka (uranium) oo ah tilaabada ugu muhiimsan ee dhalinta tamarta Nukliyeerka, Iran ayaa hawshan bilowday kadib markii Maraykanka isaga baxay heshiiskii ay wada saxiixdeen Tehran iyo Beesha Caalamka 2015.

Heshiiskaasi ayaa dhigayey in Iran joojiso hawshan oo hoos u dhigto tirada Yuranimyumka ay kaydiso si looga hortago in aaladaasi loo isticmaalo sameynta hubka nukliyeerka, heshiiskaasi ayaa sidoo kale qorayey in cunaqabateynta laga qaado Iran.

Donald Trump ayaa markuu qabtay xilka Madaxweynaha Maraykanka burburiyey heshiiskaasi oo ay si weyn u dhaliilayeen Israel iyo dalalka Khaliijka oo cabsi ka qaba awooda Iran.

Xukuumada Maraykanka ayaa cunaqabateyn horleh kusoo rogtay Iran, arrintaasi ayaa ku khasabtay Iran inay iyaduna dib u dar-dar geliso hawlihii barnaamijkooda Nukliyeerka, dowlada Iran ayaa ku dhaliishay dalalka kale ee Beesha Caalamka sida Midowga Yurub inay ka gaabiyeen dhaqan gelinta heshiiskii la saxiixay 2015.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *