Iran iyo Pakistan oo dib usoo celiyey Safiiradooda

Published: January 28, 2024

Xiisadda u dhexeysa labada dal ayaa sare u kacday horraantii bishan, kadib duqeynmo ay labada dhinac is dhaafsadeen.

Ka dib markii uu Sabtidii warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Pakistan u fadhin doona Tehran, madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi wuxuu sheegay in xadka labada dal laga ilaaliyo amni darro.

Soohdintu waa “fursad loogu talagalay is-weydaarsiga dhaqaalaha iyo horumarinta amniga waana in laga ilaaliyaa wax kasta oo dhaawacaya ammaanka,” ayuu yiri Raisi.

Muhammad Mudassir Tipu, oo ah ergeyga cusub ayaa yimid Tehran horaantii isbuucaan ka dib markii labada dal ay ku heshiiyeen in la dejiyo xiisadda ka dhalatay weeraradii gantaalada ee horaantii bishaan.

Safiirka Iran ee Islamabad Reza Amiri Moqaddam ayaa sidoo kale dib u bilaabay shaqadiisa Islamabad, Rasoul Mousavi, oo ah madaxa waaxda Koonfurta Aasiya ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, ayaa sidaa sheegay Jimcihii.

Horseed Media