IRAN oo ay ka billaabatay codeynta Doorashada Baarlamaanka

Published: March 1, 2024

Goobaha codbixinta ayaa jimcihii la furmay doorashadan oo lagu soo xuli doono xubnaha Baarlamaanka iyo Guddiga awooda badan ee culimada.

Tani waa doorashadii ugu horeysay ee baarlamaanka Iran tan iyo 2022.

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ali Khamenei, oo 84 jir ah, ayaa noqday qofka ugu horeeya ee dhiibtay codkiisa, doorashadan oo sidoo kale lagu dooran xubnaha cusub ee golaha khubarada.

Guddiga culimada ama khubarda oo shaqeeya muddo siddeed sano ah, ayaa loo xilsaaray inay doortaan hoggaamiye sare oo cusub haddii Khamenei uu xilka ka dego ama dhinto.

Ilaa 15,000 oo musharrax ayaa u tartamaya inay ka mid noqdaan baarlamaanka ka kooban 290ka xubnood ee sida rasmiga ah loogu yeero golaha wadatashiga Islaamka. Shan kursina waxaa loo qoondeeyay dadka laga tirada badan yahay ee diimaha Iran.

Codbixinta ayaa ka dhaceysa 59.000 goobood, waxaana dalkaasi ka diiwaangashan inay codkooda dhiibtaan in ka badan 61 milyan oo qof.

Horseed Media