IRAN oo EU-da ka codsatay dhex-dhexaadinta wadahadalkooda Maraykanka

Published: February 2, 2021

Wasiirka Arrimaha Dibada ee IRAN, Mohammad Javad Zarif ayaa sheegay in dhinacooda ay diyaar u yihiin inay dhaqan geliyaan heshiiskii Barnaamijka Nukliyeerka ee uu burburiyey Trump hadii maamulka cusub ee Maraykanka ay dib ugu soo noqdaan heshiiskaasi.

Heshiiskaasi u dhaxeeyey IRAN iyo Beesha Caalamka oo la saxiixay 2015 ayaa waxaa burburiyey Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump.

Xukuumada cusub ee Maraykanka ee uu hogaamiyo Joe Biden ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin in heshiiskaasi dib loo soo nooleeyo, hase yeeshee laga doonayo in Iran ay dhaqan geliso marka hore balanqaadyadii ku qeexnaa heshiiskaasi.

Balse IRAN ayaa sheegtay inaysan heshiiskaasi dhaqan gelin doonin illaa inta Maraykanka ay banaanka ka taagan yihiin heshiiskaasi uu laalay maamulkii Trump.

Horta marka hore Maraykanka si rasmi ah dib ha ugu soo noqdo heshiiskaasi, markaasi Iran diyaar bay u noqon inay gudato waajibaadkii lagu lahaa balse hada nooma kala cada inay weli kusii socon doonaan maamulka cusub wadadii khaldaneyd ee Trump iyo in kale…

Mohammad Javad Zarif 

Wuxuu Wasiirka Arrimaha Dibada ee Iran sidoo kale sheegay in Midowga Yurub laga rabo inay arrintan dhex dhexaadiyaan maadaama ay qeyb ka ahaayeen saxiixayaasha heshiiskaasi.

Iran ayaa bilowday inay dib usoo nooleyso barnaamijkii Nukliyeerka kadib go’aankii Trump ku laalay heshiiskii hore, waxayna diidan yihiin inay markale joojiyaan barnaamijkooda nukliyeerka iyagoo sharuud uga dhigay in marka hore Maamulka cusub ee Maraykanka qaado tilaabada lagu soo nooleenayo heshiiskaasi burburay.

Barnaamijka Nukliyeerka ayaa laf-dhabar u ah xiisada u dhaxeysa Iran iyo xulafada Maraykanka ku leeyahay Barriga Dhexe sida Israel & Sacuudiga.

Sida uu qorayo heshiiskii 2015 Iran ayaa ogolaatay inay hoos u dhigto kobcinta uranium-ka iyadoo ku bedalatay in laga qaado cunaqabateynta saaran, hase yeeshee Trump ayaa sanadkii 2018 laalay heshiiskaasi isagoo cunaqabateyn horleh kusoo rogay wadankaasi.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *