IRAN oo gantaalo ku duqeysay caasimada Kurdida ee Erbil, Ciraaq

Published: March 14, 2022

Ciidamada Jamhuuriga Iran ayaa sheegtay 12 gantaal oo Axaddii shalay lala beegsaday magaalada Erbil ee caasimada u ah Ismaamulka kurdida ee dalka Ciraaq.

Duqeyntan ayey ciidamada Iran sheegeen in lala beegsaday xafiis Israel ka furatay magaaladaasi, wuxuu weerarkan jawaab u ahaa duqeyn Israel la beegsatay dalka Siiriya asbuucii lasoo dhaafay, duqeyntaasi oo ay ku dhinteen 3 askari oo ka tirsan ciidamada Jamhuuriga Iran ee gacanta siinaya xukuumada Siiriya ee Bashar Al Assad.

Maamulka Erbil ayaa sheegay in gantaaladan lagu tuuray Erbil lala beegsaday qunsulida Maraykanka, balse Maraykanka ayaa sheegay inaysan jirin wax khasaaro dhimasho ama dhaawac ah oo soo gaaray shaqaalahooda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment