IRAN oo sameysay Dhoolatus ku tijaabineyso difaaceeda Cirka

Published: January 19, 2024

Iran ayaa sheegtay maanta oo Jimce ah in ay si guul ah u fulisay dhoolatuska difaaca cirka iyada oo la adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo Gantaalada loogu talagalay in ay ka hortagaan bartilmaameedyada cadawga.

Dhoolatuskan ayaa lagu soo beegay maalin kadib markii Diyaaradaha Dagaalka ee Pakistaan duqeyn la beegsadeen saldhigyo ku yaal gobalka Sistan-Boluchistan ee Koonfur-Bari wadanka Iran.

Pakistan ayaa weerarkaasi cirka ah uga jawaabeysay duqeyn ay IRAN la beegsatay gobalka Boluchistan dhinaca Pakistan Salaasadii lasoo dhaafay.

Labada dal ayaa mid walba sheegay in bartilmaameedkooda uu ahaa Jabhadaha dhulkaasi ku sugan ee dagaalada kula jira IRAN iyo Pakistan.

Xiisadan sii kordheysa ayaa waxaa ka digay dowlada China oo xiriir dhaw laleh labada dal, sidoo kale wadamada Islaamka sida Turkiga ayaa ugu baaqay labada dal inay xaalada dajiyaan.

Mareykanka ayaa dhankiisa eedeyn kala dul-dhacay IRAN oo uu sheegay in ay hubeyso maleeshiyaadka iyo jabhadaha khal khalka ka wada gobalka.

IRAN ayaa Isniintii lasoo dhaafay sidoo kale duqeysay Waqooyiga Ciraaq ee ismaamulka Kurdistan iyo gobalka Idlib ee waqooyiga Siiriya. Duqeymahaasi oo ay sheegtay inay la beegsatay sirdoonka Israel oo ay sheegeen inay xarun ku lahaayeen magaalada Erbil ee Ciraaq iyo xarumaha Daacish ee ku yaal gobalka Idlib, Siiriya.

Horseed Media