IRAN oo sheegtay inay ka jawaabi doonto dilka Israel u geysatay sarkaal ka tirsan IRGC

Published: June 6, 2024

Madaxa Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa sheegay inay ka aargudan doonaan Israa’iil dilkii ay u geysatay sarkaal ka tirsan IRGC oo ku sugnaa dalka Suuriya.

Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabay Saeed Abyar ayaa ku dhintay duqayn ay Israa’iil ka geysatay waqooyiga Suuriya Isniintii lasoo dhaafay.

“Dambiilayaasha sahyuuniyiinta (Israel) ee caadeystay xasuuqa carruurta waa in ay ogaadaan in dhiigooda u daadan doono dambigan ay galeen – waa inay sugaan jawaabta,” ayuu yiri Taliyaha guud ee IRGC, Hossein Salami.

Salami wuxuu sheegay in sarkaalka la dilay uu dalka Suuriya u joogay “hawlaha la talintan.”

Iran ayaa xulafo weyn la ah Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-asad, iyada oo bixisa taageero dhaqaale, siyaasadeed iyo mid milatari oo lagu taageerayo dowlada Suuriya.

Horseed Media