IRAN: Tel Aviv iyo Haifa dhulka ayaa la simi doonaa hadii Israel…

Published: January 29, 2021

Militariga Iran ayaa sheegay inay duqeyn doonaan magaalooyinka Tel Aviv iyo Haifa ee dhulka Israel maamusho, hadii militariga Israel isku dayaan weerar ka dhan ah wadanka Iran.

“…Israel hadii xataa khalad yar oo weerar ah isku daydo, waxaa duqeyn doonaa saldhigyadooda ay gantaalada ku kaydsadaan, dhulkana waa la simi doonaa magaalooyinka Tel Aviv iyo Haifa…Isreal weli ma oga awooda Iran u leedahay duqeynta magaalooyinkooda, Israel waa kansar ku dhex jira gobalkan….”

Gen. Abolfazl Shekarchi

Warbaahinta Iran ayaa baahisay hadalka kasoo baxay Gen. Abolfazl Shekarchi oo u hadlay Taliska Militariga Iran, wuxuuna hadalkan jawaab u ahaa war ay salaasadii soo saartay wasaarada Difaaca ee Israel oo sheegtay inay diyaarineyso qorshe ay uga hortageyso barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.

Lieutenant-General Aviv Kohavi oo u hadlay ciidamada Israel ayaa Salaasadii lasoo dhaafay sheegay in ay diyaarinayaan qorshe militari oo ka dhan ah Iran si ay uga hortagaan in Tehran hesho bambaanada nukliyeerka, qorshahaasi militari ay dhameystiri bilaha soo socda.

Dhinaca kale hanjabaaba Israel iyo Iran hawada isu marinayaan ayaa lagu beegay xili ay xukuumada Cusub ee Maraykanka dooneyso inay dib usoo nooleyso heshiiskii Barnaamijka Nukliyeerka Iran oo uu sanadkii 2017 burburiyey Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *