IRAQ: Duqeyn lala beegsaday Safaarada Maraykanka – Video

Published: December 21, 2020

Ugu yaraan 8 gantaal ayaa ku dhacay gudaha deegaanka loo yaqaan Aaga Cagaaran (Green Zone) ee bartamaha magaalada Baqdaad caasimada Ciraaq, duqeyntan ayaa la damacsanaa Safaarada Maraykanka oo halkaasi ku taal.

Hubka lidka gantaalada ee ku rakibnaa xarunta Safaarada Maraykanka ayaa la sheegay inay burburiyeen inta badan gantaaladaasi oo aan la ogeyn cida soo riday.

Waxaa la rumeysan yahay in duqeyntan ay ka danbeeyaan maleeshiyaadka shiicada ah ee reer Ciraaq oo taageerada ka hela Iran, kuwaasi oo horey duqeynmo noocaan ah la beegsaday saldhigyada ciidamada Maraykanka ku leeyahay dalkaasi.

Maraykanka ayaa sheegay inuu qeyb kamid ah ciidamadiisa kala baxayo dalka Ciraaq bisha soo socota, waxaana horey looga daad-gureeyey safaarada Baqdaad inta badan shaqaalihii halkaasi ka hawlgeli jiray.

https://youtu.be/aw3XStQoRr4

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *