Shacabka magaalada Baqdaad ayaa maanta oo ku beegan 3da Janaayo si weyn u xusay sanad-guuradii kasoo wareegtay dilkii Maraykanka magaaladaasi ugu geysteen hogaamiyihii militariga Iran ee Gen.Qassem Soleimani.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/01/Xuska-Suleymani-2021-1.jpg)
Weerarkaasi ayaa sidoo kale lagu dilay mid kamid ah hogaamiyayaasha maleeshiyaadka shiicada Ciraaq oo xiligaasi la socday Jeneraalka reer Iran oo si weyn u taageeri jiray kooxaha hubeysan ee ku sugan Ciraaq.
Maraykanka ayaa diyaarada droneka u adeegsaday khaarajinta Taliyahaasi xili uu booqasho ku tagay caasimada Ciraaq, arrintan oo abuurtay xiisad keentay in Maraykanka la baxo qaar kamid ah ciidamada dalkaasi ka joogay.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/01/Xuska-Suleymani-2021-2.jpg)
Xuskan ayaa kusoo beegmay xili laga cabsi qabo in Maraykanka duulaan militari ku qaado dalka Iran kahor intaan Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uusan xilka ka degin 20ka bishan.
Horseed Media