Is-barbardhig hannaankii doorashooyinka 2016 iyo 2020, Maxay ku kala duwan yihiin?

Published: October 2, 2020

Guddiga doorashada

dadban

Habeenkii xalay waxaa si rasmi ah loo soo gebagebeeyey heshiiska hannaanka doorashada 2020/21 lagu hagaayo, taas oo ah doorasho dadban, haddaba iyada oo horey loo ogaa in waxa labada doorasho 2016 iyo tan hadda soo socta ay ku kala duwan yihiin ay yar tahay ayaan isu barbardhigeynaa habraaca habeenkii xalay la soo saarey iyo kii lagu galay dorashadii 2016.

2016

2020

Shuruudaha cusub ee kamid noqoshada Guddiga doorashada dadban waxaa laga beddalay dhanka da’da oo la gaarsiiyey 30 sano halka markii hore ka ahaa 25 sano, waxaa lagu soo kordhiyey in uu Muslim yahay, waxaa laga saarey kii 2016, dhimirkiisu dhan yahay, heerka waxbarashada ayaa la gaarsiiyey heer Jaamacadeed ama wax u dhigma .

SHURUUDAHA ERGOOYINKA

2016

2020

Shuruudaha Ergooyinka wax badan iskama beddelin, ama waxaa la dhihi karaa sideedi ayaa loo soo minguuriyey.

Shuruudaha Musharaxiinta Baarlamaanka

2016

2020

Qaybta shuruudaha looga baahan yahay musharixiinta inteeda badan waxaa laga soo minguuriyey Dastuurka Federaalka ah shuruuda uu ku xiraayo qofka Xildhibaan noqon kara, waxa dheeraad ku ah waa qaybta lacagta, Sanadkii 2016 lacagtu inta waa ka yarayd,, waxaana jirey farqi u dhexeeyey ragga iyo gabdhaha musharixiinta ah oo gabdhuhu waxay bixinayeen lacag yar, sidoo kale lacagta ayaa sanadkii 2016 lahayd celis, laakiin tan 2020 wax celis ah ma lahan, waxaana lagu qiyaasayaa in ay ka soo xeroon karto adduun dhan $8 milyan oo dollarka Maraykanka ah.

Doorashada 2020, oo ah doorasho dadban ayaa waxa keliya ee ay uga duwanaan karto tii dhacdey sanadkii 2016 ay tahay in la badiyey ergada oo la gaarsiiyey 101, waxaa la dhihi karaa xitaa shuruudaha waxaa laga soo eegtey tii sanadkii 2016.

by Ismail H. Said – Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *