Isbahaysi ka dhan ah Lafta-gareen oo Muqdisho looga dhawaaqey.

Published: July 23, 2022
isbahaysi ka dhan ah laftagareen

Isbaheysi loogu magac daray Golaha Samata bixinta Koofur Galbeed ayaa looga dhawaaqay magaalada Muqdisho, isbahaysigan waxaa ku mideysan siyaasiyiin hore, oo si weyn ugu ciil qaba Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Goobta looga dhawaaqey isbahaysigan waxaa ku sugnaa Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadam, gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, gudoomiye kuxigeenkiisi hore ee golaha shacabka Cabdiwali Muudeey, wasiirad Xaniifa Xaabsade kuwaan oo dhamaantood ahaa kuwii uu kuraasta Xildhibaanimo dhaafiyey Laftagareen.

Ujeedka Golahan ayaa ah sidii culeys loo saari lahaa Madaxweyne Cabdicasiis Laftagaren, xilkana loo dhaafin lahaa.

Muddo xileedka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ku eg dhamaadka sanadkan 2022, waxaaa ay doonayaan in doorashadu xiligeedi ku dhacdo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo muddo dalka dibadiisa ku maqnaa ayaa maanta ka soo degay Muqdisho, waxaana lagu soo dhaweeyey Isbahaysiga samatabixinta Koonfur Galbeed. Laftagreen ayaa saaxiib dhaw la ahaa Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee talada dalka looga adkaadey 15 May 2022.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *