Isimada oo Ku Qanciyay Maleeshiyadii Taageersanayd Shirkadda PDG in Boosaaso Ka Baxaan

November 15, 2019
Horseed Staff

Qaar ka mid ah isimadda Puntland oo  waday dadaal lagu xalinayo xiisad ka taagnayd Bosaso ayaa ku guulaystay inay ku qanciyaan maleeshiyaad Taageersanaa shirkadda PDG inay ka baxaan magaaladda oo ay dib ugu laabtaan Fariisimihii ay soo kicitimeen.

Isimadu waxay maanta la kulmeen Masuuliyiinta shirkadda PDG  iyo Saraakiishii hoggaaminaysay Maleeshiyaadkii soo galay magaaladda Bosaso. Sidoo kale Isimadda oo ay weheliyeen culuma’udiinka ayaa xarunta gobolka Bari ee Bosaso waxay galabta kullan kula yeesheen wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka amniga, Guddoomiyaha gobolka bari iyo qaar ka mid ah saraakiisha Amniga ee Puntland. 

Isimada iyo Masuuliyiinta dowladda ee ku sugan gobolka kama hadlin natiijada wadahadlada dhexmaray dhinacyada kala duwan hase yeeshee Horseedmedia oo la xiriirtay qaar ka mid ah masuuliyiintii ka qaybgalay kulanka gobolka waxay sheegeen in xal laga gaaray xiisadii ka taagnayd Magaaladda Saddexdii maalmood ee la  soo dhaafay.

Maalinta sabtida oo ku beegan 16 November 2019 ayaa la filayaa in maleeshiyaadku bilaabaan inay ka baxaan magaaladda Bosaso iyagoo dib ugu laabanaya fariisimihii ay ka soo kicitimeen

13kii bishan ayaa iska horimaad hubaysan wuxuu ku dhexmaray ciidamo ku sugnaa Kontoroolka magaaladda iyo Maleeshiyaad hubaysan oo ka soo kicitimay dhinaca degmada Carmo ee gobolka Bari, isku horimaadkaas waxaa ku dhintay labo askari, tiro kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray.

Maleeshiyaadkan oo ku hubaysnaa hub culus iyo gawaarida dagaallka ayaa gudaha u galay magaaladda Bosaso, waxaana hoggaaminayay Taliye Ciise Maxamuud Yuusuf oo loo yaqaan Ciise Yulux , kaasi oo hore u ahaa hoggaamiye burcad-badeed, balse hadda hoggaamiya Maleeshiyaadka loo yaqaan Guuto Bari oo uu hore u qarameeyay madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

HORSEEDMEDIA